1 min read

Caruurta Koonfur Afrika oo wax akhrintu dhibto ku tahay siddeed ka mid ah tobankiiba.

Daraasad Caalami ah oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in tobankii caruur ah ee Koonfur Afrika aysan siddeed ka mid ahi wax akhrin karin da’da 10 jirka.

Koofur Afrika ayaa halka ugu dambeysa ka gashay 57 dal oo laga sameeyay daraasadda caalamiga ah ee qiimeynta heerka wax akhrinta caruurta dalalka, taas oo tijaabisay carruur gaareysa 400,000 oo caalamka kasoo kala jeeda sannadkii 2021.

Wax barashada dhanka dhigaalka iyo akhrinta ee caruurta Koonfur Afrika ayaa kor uga dallacday 78% iyada oo la gaarsiiyey 81% sannadkii 2016.

Wasiirka wasaaradda wax barashada ayaa natiijada daraasadda ee hooseysa ku eedeeyay xidhitaankii dugsiyada ee covid19.

Iyada oo natiijada ku tilmaamtay mid “niyad jab ah”, ayey Angie Motshekga sidoo kale sheegtay in nidaamka wax barashada dalku uu sidoo kale wajahay caqabado taariikheed, oo ay ka mid yihiin saboolnimo, sinnaan la’aan iyo kaabeyaal tayo xun.

Qaar badan oo ka mid ah dugsiyada hoose ayaa “diiradda ku saara akhrinta afka oo kaliya, iyaga oo dayacaya akhrinta fahamka micnaha erayada qoran,” ayey sii raacisay.

Daraasadda ayaa muujisay in 81% ka mid ah caruurta Koonfur Afrika aysan faham ahaan ka akhrin karin xitaa mid ka mid ah 11-ka luuqadood ee dalkaaas rasmiga ka ah.