1 min read

Madaxweyne Erdogan: Waxaan gaari doonnaa guul taariikhi ah doorashada 28-ka May

Ankara:- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in natiijada wareeggii hore ee doorashada Turkiga ay u muujineyso inuu ku guuleysan karo wareegga ugu dambeeya ee loo ballansan yahay 28-ka bishan, sida uu ku sheegay bayaan uu soo saaray.

Waxan uu sheegay ku guuleysiga aqlibayadda Baarlamaanka ee xisbigiisa ay u xaqiijisay in shacbiga Turkigu uu ku kalsoon yahay, isla markaana ay ‘aayahooda ka arkeen isaga iyo xisbigiisa.’

“Waxaan kusoo bixi doonnaa doorashada 28-ka May innagoo kordhinayna codadkii aan helnay 14-kii May, waxaana rajaynaynaa inaan gaarno guul taariikhi ah” ayuu ku yiri bayaan uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Erdogan ayaa helay doorashadii Axaddii in ka badan 27 milyan oo cod oo u dhiganta 49.51% codadkii la dhiibtay, waxaana uu musharraxa kusoo xiga ee Kemal Kilicdaroglu uu ka sarreeyaa 2.5 milyan oo cod.

“Anigoo ah siyaasiga aan rabitaanka ummadda mooyaane aan wax kale aqoon, kana leexan dariiqii ummaddu ay dejisay, waxaan ixtiraamaya natiijada kasoo baxday sanduuqa codbixinta” ayuu raaciyay Erdogan.