1 min read

Madaxweyne Koonfur Afrika oo sheegay iney dhex dhexaad ka yihiin dagaalka Ukraine.

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Afrika ee, Cyril Ramaphosa, ayaa sheegay in cadaadis aan caadi ahayn lagu hayo dalkaasi, si uu uga tanaasulo mowqifkiisa aan isbahaysiga ahayn ee dagaalka Ukraine.

Warsidaha toddobaadlaha ah, Ramaphosa, ayaa wuxuu ku sheegay in Koonfur Afrika aysan dhinacna u xaglin doonin waxa uu ku tilmaamay “halganka iyo tartanka u dhexeeya Ruushka iyo reer galbeedka”.

Hadalkiisa ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib markii Safiirka Maraykanka u joogga dalka Koonfur Afrika, Reuben Brigety, uu ku eedeeyay dalkaasi inuu si qarsoodi ah hub iyo rasaas u siiyo dowladda Ruushka, inkastoo uu sheegay inuu dhexdhexaad ka yahay.

Brigety ayaa sheegay in sirdoonka Mareykanka ay ku kalsoon yihiin in bishii December ee sanadkii tagay lagu raray markab laga leeyahay dalka Ruushka oo ku sugnaa xiligaa saldhiga ciidamada badda ee magaalada Cape Town.

Ramaphosa ayaa waxa uu aqbalay inuu baaro sheegashada, balse waxa uu sheegay in aanay jirin cadaymo la taaban karo oo taageeraya eedaymaha.