1 min read

Booliska Soomaaliya oo kaashanaya Interpol oo South Sudan kasoo xiray askari dil ku eedeysan.

Booliska Soomaaliya oo kaashanaya kan Adduunka ee Interpol ayaa waddanka South Sudan kasoo qabtay Zakariye Cali Axmed Cosobow oo ka tirsanaan booliska Soomaaliya, kaas oo ku eedeysan inuu dilay Xiddigle Cali Xasan Siyaad oo ay ka wada tirsanaayeen booliska.

Eedeysane Zakariye ayaa xalay laga soo dejiyay garoonka diyaaraha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kula wareegtay Xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Afhayeenka ciidanka booliska Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in Zakariye uu ku eedeysan yahay ‘dil bareer ah’ oo ka dhacay degmada Dayniile 28-ka bishii Julay 2022.

“Ujeedku wuxuu ahaa in qof kasta oo fal dambiyeed noocan oo kale ah dalka ka geysta in meel kasta laga soo qaban karo” ayuu yiri Doodishe.