1 min read

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo eedaysanayaal Ajaanib ah dacwadooda u gudbiyay Maxkmadda G/Banaadir.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Soomaaliya, ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay eedda 36 eedeysane oo ajaanib ah.

Ajaanibtan ayaa waxay ku eedeysan yihiin kalluumeysi sharci darro ah, waxaana xafiiska xeer ilaalinta uu maxkamadda gobolka ka codsaday in lasoo muddeeyo dhageysiga dacwadoodda.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud  qaranka ayaa lagu sheegay in kalluumaystadan ay ku xadgudbeen kheyraadka dalka, ayna si sharci darro ah uga kalluumaysanayeen badda Soomaaliya.