1 min read

Maamulka Degmada Shangaani: “Dadka ha isaga guuraan guryaha qaddiimiga ah”

Maamulka degmada Shangaani ee gobolka Banaadir, ayaa dadka kula taliyay inay ka guuraan dhismooyinka qaddiimiga ah, kaddib markii saakay uu soo dumay guri, ayna dad ku dhinteen.

Aways Camuudi oo warbaahinta la hadlay, ayaa kula taliyay dadka si ay naftooda u ilaashadaan inay isaga guuraan guryahan.

Xalay saqdii dhexe abbaaro 3:30-kii, ayaa la sheegay in guri ay ku noolaayeen qoys ka kooban 13 uu soo dumay, halkaasna ay ku dhinteen afar wiil oo kan ugu weyn uu 15 jir ahaa.

Aabbahay dhalay carruurtan oo lagu magacaabo Cabdi Maxamed Xalane, oo qudhiisa dhaawac ka soo gaaray dhismahan dumay, ayaa sheegay inuusan fileyn waxa dhacay.

Carruurtii kale iyo hooyadood oo umul ah ayaa sidoo kale uu dhaawac soo gaaray.