23 Apr, 2024
2 mins read

Madaxweyne Xasan Sheekh “Weli ma bilaabanin wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab..”.

Muqdisho: –Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan su’aalo lagu weydiiyay ku qabtay magaalada Muqdisho, kaas oo uu uga hadlay qodobo dhowr ah oo la xiriiray waxa u qabsoomay dowladdiisa sannadkii lasoo dhaafay. Madaxweynaha ayaa su’aalo dhowr ah laga wediiyay arrimo ay ka mid ahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, deyn cafiska, dhammeystirka […]

1 min read

Itoobiya oo ciidamadii  ugu horreysay tababar siisay askar ku biiraysa ciidamada XDS.

Dowladda Itoobiya ayaa tababartay dufcaddii ugu horreysay ee askar ka tirsan Soomaaliya, bil uun kaddib markii Addis Ababa loo diray askartan, si ay gacan uga geystaan Wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo haatan ka socda gobolada dhexe ee Soomaaliya. Warbaahinta dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in qeybtii ugu horeysay ee askar ka tirsan […]

1 min read

Maamulka Gobolka Banaadir oo mamnuucay noocyo kala duwan oo mukhadarada

Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya laga mamnuucay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho isticmaalka shiishada iyo Taanbuuda, oo waayadii dambe aad ugu soo badanayay dhulalka Soomaalida. Arrintan ayaa ka dambeysay, kaddib markii maanta uu kulan dhexmaray qaar kamid ah milkiilayaasha makhaayadihii dhawaan la xiray, iyo madaxda maamulka. Maamulka gobolka Banaadir, ayaa […]

1 min read

Dukaan Dahab oo dharaar cad dhac looggu geystay dalka Faransiiska.

Booliiska ayaa baaraya, ka dib markii dukaan dahab ah oo heerkiisu sarreeyo oo ku yaalla magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska, lagu dhacay dharaar cad galabnimadii sabtida. Waxaa jira muuqaal muujinayaa xiligii uu falku dhacayay, iyo muuqaalka dadka la tuhunsan yahay, kuwaasoo kasoo baxaya dukaanka oo ku yaalla dhismaha Place Vendôme. Dukaanka Bulgari, ayaa waxaa […]

1 min read

Bandhiga Buugaagta, Fanka iyo Suugaanta iyo Dhaqanka Soomaaliyeed Gothenburg Sweden

BANDHIGGA BUUGAGGA Waxaa Maalinta Axadda oo  bisha may tahay Toddobada May saacada (KL 13:00 ) ka dhicidoona Blå Stället  Angered Centrum/Gothenburg Sweden Bandhig Buugag iyo Mid Faneed (Ciyaaro-Heeso) Galitaankuna wuxuu u furanyhay oo lagu soodhawayndoonaa dadweeynaha kunool magaalaad Göteborg. Jadwalkuna wuxuu u dhacayaa sida hoos kuxusan: Somaliska Kultur och Bokmässa 7 maj 2023  kl-13:00 Program […]

2 mins read

Erdogan: “Waxaan dilnay hoggaamiyihii Daacish” 

Ciidamada Turkiga ayaa gudaha Suuriya ku dilay ninka looga shakisan yahay inuu yahay hoggaamiyaha Daacish, sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan. Abuu Xuseen Al-Qurayshi ayaa la sheegay in uu la wareegay kooxda kadib markii la dilay hogaamiyihii isaga ka horreeyay. Mr Erdogan ayaa u sheegay warbaahinta TRT Turk ee Turkiga in hogaamiyaha daacish […]

1 min read

Indha fiiqa Siyaasadda Somalida=Faallo=

Sheeko Carbeed ayaa aheyd Tuulo ay joogeen 8 Nin oo indhoolayaal ah iyo 2 Aragga indha leh, ayaa waxaa la keenay Maroodi. Indhoolayaashii ayaa u tagay Maroodigii si ay u taabtaan jirkiisa una fahmaan. Midba meel ayuu ka taabtay. A. Ninkii ugu 1aad oo taabtay Lugta Maroodiga ayaa yiri: Maroodigu waa Tiir. B. Kii 2aad […]

1 min read

Sirdoonka Turkiga oo Suuriya ku dilay hoggaamiyihii Daacish.

Ankara — Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa Axaddii sheegay in ciidamada sirdoonka Turkiga ay Suuriya ku dileen hoggaamiyihii Daacish Abuu Xuseen Al-Qurashi. “Hawlgal ay hay’adda Sirdoonku shalay ka fulisay Suuriya ayaa lagu dilay shakhsigan,” ayuu Erdogan ku yiri wareysi uu siiyay TV-ga TRT Turk. Erdogan ayaa sheegay in hay’adaha Sirdoonku ay muddo dheer ku daba […]