2 mins read

Madaxweyne Xasan Sheekh “Weli ma bilaabanin wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab..”.

Muqdisho: –Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan su’aalo lagu weydiiyay ku qabtay magaalada Muqdisho, kaas oo uu uga hadlay qodobo dhowr ah oo la xiriiray waxa u qabsoomay dowladdiisa sannadkii lasoo dhaafay.

Madaxweynaha ayaa su’aalo dhowr ah laga wediiyay arrimo ay ka mid ahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, deyn cafiska, dhammeystirka dastuurka, doorashada 2026, ciidamada safka hore iyo maqaamka iyo amniga caasimadda, kuwaaas oo ka mid ah ballan qaadyadii uu sameeyay xilligii uu ku jira ololahiisii dib u soo noqoshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa difaacay taageerada ciidan ee uu ka dalbaday dalalka deriska ah ee safka hore, kuwaas oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Kenya, iyo Jabuuti, kuwaas oo uu sheegay inay qeyb ka noqon doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Waxa uu sheegay in talada iyo go’aannada hawlgalkaas ay leeyihiin taliska ciidanka xoogga dalka iyo dowlada Soomaaliya. Waxa uu sheegay in wadashaqaynta dalalka safka hore ay ku koobnaan doonto 90 maalmood.

Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in aanu weli billaaban wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale difaacay xiriirka dhow ee dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana uu sheegay inay ka caawisay tababaridda iyo qalabeynta ciidamada ammaanka ee qaabilsan amniga Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa beeniyay inuu ku xadgudbay awoodda Ra’isul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Waxa uu sheegay in sannadka 2023 uu dowladdiisa u noqon doono ‘sannadka waxqabadka iyo wax soo saarka.’

Arrimaha doorashada, ayuu madaxweynuhu sheegay in geeddi socodka dooorashada 2026 ay hadda billaabayaan , isla markaana ay dowladdiisu xoogga saareyso in aan loo noqon doorasho kale oo dadban.

“Waxaa iga go’an in aana dib ugu laaban hoolkii doorashada dadban” ayuu yiri Madaxweyne Xasah Sheekh.

Mar la weydiiyay maqaamka Muqdisho, waxa uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh ‘in wax kasta ay ka horreyso amniga Muqdisho. “Marka amniga la sugo, waxaa la gaari doonaa in dadku ay soo doortaan cidda ay doonayaan” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.