2 mins read

Erdogan: “Waxaan dilnay hoggaamiyihii Daacish” 

Ciidamada Turkiga ayaa gudaha Suuriya ku dilay ninka looga shakisan yahay inuu yahay hoggaamiyaha Daacish, sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan.

Abuu Xuseen Al-Qurayshi ayaa la sheegay in uu la wareegay kooxda kadib markii la dilay hogaamiyihii isaga ka horreeyay.

Mr Erdogan ayaa u sheegay warbaahinta TRT Turk ee Turkiga in hogaamiyaha daacish lagu khaarijiyay howlgal ay fuliyeen hay’adda sirdoonka Turkiga ee MIT Sabtidii.

IS ayaan illaa iyo hadda wax hadal ah ka soo saarin howlgalka la sheegay in lagu fuliyay hoggaamiyehoodii hore.

BBC-du uma aysan suura gelin ay si madax bannaan u xaqiijiso sheegashada Madaxweyne Erdogan.

Hay’adda sirdoonka ee MIT ayaa muddo dheer waxay daba socotay Qurayshi , ayuu yiri Erdogan.

“Waan sii wadi doonnaa halganka aan kula jirno ururada argagixisada iyadoo aan la kala soocin,” ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo aan bixin faahfaahin intaas dhaafsiisan.

Ilo wareedyo Suuriyaan ah oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in howlgalka uu ka dhacay waqooyiga magaalada Jandaris oo ku dhow xadka Turkiga.

Bishii November ee la soo dhaafay, kooxda jihaad doonka ah ayaa ku dhawaaqday geerida hoggaamiyahooda, Abu al-Hassan al-Hashemi al-Qurayshi.

Maraykanku waxa uu sheegay in lagu dilay hawlgal ay fallaagada Free Syrian Army ka fuliyeen koonfurta-galbeed ee Suuriya bartamihii bishii Oktoobar ee sanadkii 2022-kii.

Waxa uu la wareegay kooxda kadib markii hoggaamiyihii hore ee Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi uu isku qarxiyay isaga iyo qoyskiisa iyadoo ciidamada gaarka ah ee Maraykanka ay isku gadaameen goob uu ku dhuumaalaysanayay ka dib markii ay is rasaaseeyeen bishii February 2022.

Hawlgalkaas “wuxuu meesha ka saaray khatartii ugu weyneyd ee argagixisanimo ee dunida” ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

IS ayaa mar haysatay dhul gaaraya (34,000sq meyl) oo ka soo bilaabmaya waqooyiga bari ee Suuriya illaa waqooyiga Ciraaq waxayna xukunkeeda arxan darada ah ku soo rogtay ku dhawaad sideed milyan oo qof.

Kooxda ayaa laga saaray dhulkoodii ugu dambeeyay sanadkii 2019-kii, hase yeeshee Qaramada Midoobay ayaa ka digtay bishii July in ay wali tahay khatar joogto ah.

Waxaa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 6,000 ilaa 10,000 oo dagaalyahano ah isla markaana ku kala sugan Suuriya iyo Ciraaq, kuwaas oo inta badan saldhigyo ku leh dhulka miyiga ah, waxayna qaadaan weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, weeraro gaadmo ah iyo qaraxyo jidgooyo ah.

Isbahaysiga IS ee gobolka ayaa sidoo kale khatarro ku haya goobaha kale ee colaaduhu ka jiraan ee adduunka oo dhan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in shabakadaha ugu xooggan uguna wanaagsan ay saldhigoodu yihiin Afgaanistaan, Soomaaliya iyo dooxada harada ee Chad.