1 min read

Dukaan Dahab oo dharaar cad dhac looggu geystay dalka Faransiiska.

Booliiska ayaa baaraya, ka dib markii dukaan dahab ah oo heerkiisu sarreeyo oo ku yaalla magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska, lagu dhacay dharaar cad galabnimadii sabtida.

Waxaa jira muuqaal muujinayaa xiligii uu falku dhacayay, iyo muuqaalka dadka la tuhunsan yahay, kuwaasoo kasoo baxaya dukaanka oo ku yaalla dhismaha Place Vendôme.

Dukaanka Bulgari, ayaa waxaa horay u beegsaday tuugo hubeysan  iyadoo alaabaha la isku qurxiyo oo qiimahoodu dhan yahay €10 milyan (£8.77m), ay qaateen muddo haatan laga joogo ku dhawaad laba sano ka hor.

Dhacdadaas, ayey booliisku waxey ka toogteen mid kamid ah dembiilayaashii lugta, iyagoo markii danbe la xukumay dambiilihii.