1 min read

William Ruto  “Ciidamada ATMIS waa inay soo afjaraan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab..”

Madaxweynaha dowladda Kenya William Ruto ayaa sheegay ay muhiim tahay in argagixisada Soomaaliya iyo tan Geeska Afrika la soo afjaro si dagaalka socda uusan u sii dheeraan.

Ruto ayaa sidoo kale bogaadiyay dalalka ay ciidamadoodu ka joogaan Soomaaliya ee la dagaalamaya Al-Shabaab, kuwaas oo Ciidamadooda qeybta ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

“Waxaan u dabaaldegaynaa horumarka laga gaaray taageeridda isbeddelka Soomaaliya oo u noqon doona dal xasilloon, ammaan ah, iyo barwaaqo,” ayuu yiri.

Madaxweyne Ruto ayaa xusay in dalalku ay ku dhaqmaan si taxaddar leh oo degdeg ah ayna xalliyaan taageerada dhaqaale si loo xaqiijiyo in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay si hufan u shaqeeyaan.

Waxa uu ku booriyay madaxda kale ee dowlad goboleedyada in ay xoojiyaan wadashaqeynta iyada oo loo marayo waqtiga iyo wax ku oolka ah si meesha looga saaro khatarta argagixisada xudduudaha isaga gudba.

Madaxweyne Ruto ayaa horay u sheegay in Kenya ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya xasiloon oo nabad ah si ay uga faa’iideysato dadkeeda iyo gobolka Bariga Afrika.

Dowladda Kenya ayaa kamid ah dowladaha ay Ciidamada faraha badan ka joogaan Soomaaliya kuna howlgallaan Magaca ATMIS, iyaga oo dagaal xoogan kula jiraan Al-Shabaab.