1 min read

Safaaradda Soomaalida ee Sudan oo shaacisay tirada Soomaalida ka carartay colaada dalkaasi.

Safiir ku xigeenka safaaradda Soomaliya ee dalka Sudan Amb Axmed Cabdi Xasan ayaa sheegay in muwaadiniin Soomaaliyeed oo tiradooda gaarayso 1,500 oo qof ku bara baxeen dagaalada ka socda Dalka Sudan,safiirka ayaa sheegay in dadkan isugu jiraan Arday iyo dad kale oo siyaabo kala duwan ugu noolaa dalka Sudan.

Safiir kuxigeenka  oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale sheegay in safaaraddaha Soomaliya ee dalalka Sudan, Ethiopia iyo Wasaaradda Arrimaha dibedda Soomaliya iska kaashadeen gurmad u fidinta dadka Soomaaliyeed ee waxyeeladu kasoo gaartay dagaalka ka qarxay dalka Sudan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal weyn ugu jirta sidii loo soo samatabixin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibaatada kasoo gaartay dagaalka ka socda dalka Sudan,dadka Soomaaliyeed  ee ku bara baxay dagaalada Sudan ayaa u kala baxay dalalka South Sudan iyo Ethiopia.

Dhawaan dowladda Soomaaliya ayaa Magaalada muqdisho kasoo dejisay muwaadiniin kamid ahaa Soomaalida ku xayirnaa dalka Suudaan, kuwaas oo ay saameeysay colaada, halka kuwo kale la filayo in dhawaan dalka lagu soo celiyo