1 min read

Madaxweynaha Jubbaland oo Mustafe Cagjar kala hadlay ilaalinta Amniga xaduudaha.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo booqasho ku jooga Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa halkaasi kulan kula yeeshay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cumar ( Cagjar).

Kulanka kadib masuuliyiinta ayaa yeeshay wada hadalo miro dhal ah oo lagaga hadlay iskaashiga labada dhinac ee amniga xuduudaha, dhaqaalaha iyo wadaaga khibradaha Hay’adaha kala duwan ee labada Maamul.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida soo dhaweynta uu u sameeyay iyo sida ay isaga kaashan doonaa sugida amniga xaduudaha.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa dhankiisa sheegay inay ka go’an tahay xoojinta wadashaqeynta kala dhaxeeysa Maamulka Jubbaland si loogu guuleysto sugida Amniga xaduuda labada Maamul.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo 5-tii sano ee la soo dhaafay aan wax xiriir ah kala dhaxeyn dowladda Itoobiya ayaa waxaa dhawaan heshiisiiyay dowladda Imaaraadka Carabta, taas oo keentay in uu tago Magalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya.