2 mins read

Ra’iisal wasaarihii hore ee Sudan oo ka hadlay dagaalka ka socda dalkaasi.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Suudaan Abdalla Hamdok, ayaa ka digay in colaadda dalkiisa ka aloosan ay kasii dareyso, ayna noqoneyso mid ka xun kuwii ka dhacay dalalka Suuriya iyo Liibiya.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada militariga iyo kuwa sida deg degga u hawl gala ee la yiraahdo RSF-ta, ayaa haddii uu sii socdo waxa uu noqon doonaa mid aan ciribtiisa la mahdin.

Subaxnimadii Axadda oo maanta ah, rasaas culus oo lidka diyaaradaha ah, ayaa laga maqlayay magaalada caasimadda ah ee Khartuum ee dalka Sudan, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

kuwa sida deg degga u hawl gala ee la yiraahdo RSF-ta, ayaa sheegay in dhinac walba laga soo weeraray, isla markaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada militariga iyo kuwa sida deg degga u hawl gala ee la yiraahdo RSF-ta, ayaa haddii uu sii socdo waxa uu noqon doonaa mid aan ciribtiisa la mahdin.

Dagaalka oo billowday 15-kii April, ayaa waxaa ku dhintay boqolaal qof, halka tobanaan kun oo qofna ay ka qaxayaan dalka Sudan.

Dheereynta xiliga xabad joojinta ee habeenimadii Khamiista, oo aan cago badan ku taagneyn, una dhaxaysay kooxaha iska soo horjeeda, ayaa waxaa daba socday dadaallo diblomaasiyadeed oo xooggan, oo ay wadeen wadamada deriska ah, iyo sidoo kale Mareykanka, Ingiriiska iyo Qaramada Midoobay.

Laakiin 72-kii saac ee xabad joojinta lagu kordhiyey, ayaanan u dhicin sidii lagu heshiiyey.

Dhanka kale, waxaa magaalada dekedda leh ee Port Sudan ka soo baxaya muuqaalo aan wanaagsaneyn, oo ah in dadku ay si weyn ugu xusul duubayaan sidii ay u raaci lahaayeen maraakiib taagan xeebta magaaladani, kuwaasi oo qaarkood ku sii jeeda dalalka Sacuudiga iyo Yemen.

Dowladda Ingiriiska, ayaa sheegtay in ay soo gaba gabaysay howlgalkii daad gureynta.

Xafiiska arrimaha dibadda ayaa sheegay in duulimaadkii ugu dambeeyay uu ka baxay magaalada Khartuum 10:00 fiidnimo Sabtidii xilliga maxalliga ah, oo u dhiganta xiliga Ingiriiska (08:00 fiidnimo ee xiliga GMT) ee Sabtidii, waxaana duulimaadkaasi lagu qaaday guud ahaan dad gaaraya ku dhawaad ​​1,900 oo qof.

Dowladda Mareykanka, ayaa dhanka kale sheegtay in kolonyo ay iyagu isku soo duba rideen ay gaareen ay magaalada Port Sudan, si ay muwaadiniin badan oo Mareykan ah ugu daadgureeyaan markab ku wajahan magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga.

Waxey intaa ku dartay dowlada in boqollaal muwaadiniin Mareykan ah ay kal hore isaga baxeen dalka Suudaan, marka laga tago dublamaasiyiinta lagu daad gureeyey diyaaradaha toddobaad ka hor.