1 min read

Dhinacyada ku dagaalamaya Sudan oo u hoggaan samay xabad joojinta lagu dhawaaqay.

Xaalad degenaansho ayaa laga dareemayaa caasimadda dalka Suudaan ee Khartoum, iyadoo heshiis xabbad-joojin lagu dhawaaqay.

Heshiiskan ayaa soconaya 72 saacadood, iyadoo ay isla oggolaadeen ciidammada dawladda oo ah Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan (SAF), iyo kooxda militariga ee Taageerada deg degga (RSF).

TV-ga Sacuudiga-Al-Carabiya, ayaa subaxnimadii Talaadada sheegay in heshiiska loo hoggaan samayo, ilaa hadda “ma jiraan cabashooyin ku saabsan xadgudubyo”.

Lama soo sheegin wax rasaas ah oo dhacay, waxaana waddooyinka magaalada Khartoum ay ahaayeen kuwo faaruq ah.

Todobo qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen weerar cirka ah oo ka dhacay koonfurta caasimadda, ka hor inta aan heshiiska lagu dhawaaqin.

Goobjooge ayaa u sheegay shabakadda wararka ee Darfur 24, in tobanaan qof ay ku dhaawacmeen duqeyn cirka ah oo lala beegsaday deegaanka Kalakla.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa qorsheynaya inuu kulan ka yeesho maalinta Talaadada ah, si uu ugala hadlo dagaalka Suudaan dowladaha shisheeyaha ah, oo sii wada inay ka daabulaan muwaadiniintooda ku sugan gudaha dalka Sudan.