1 min read

Odayaasha dhaqanka K/Soomaaliya oo gaaray Hargaysa si xal uga gaaraan colaada Laascaanood.

Odayaasha dhaqanka ee koonfurta Soomaaliya uga yimid dhexdhexaadinta colaadda Sool, ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Hargeysa.

Odayaashan ayaa hore u tegay magaalada Laascaanood, halkaas oo ay kula soo kulmeen Garaadada SSC.

Waxey hawlahan dhex dhexaadinta ku jireen odayaasha in muddo ah.

Haatan gaaristooda Hargeysa, ayaa ah markii ugu horeysay oo ay halkaasi tagaan, tan iyo markii ay bilaabeen dhex dhexaadintooda.