1 min read

Meydadka dad uu wadaad ku wacdiyay in ay gaajo u dhintaan si ay ilaah ula kulmaan oo la soo saaray.

Booliska Kenya ayaa meel u dhow magaalo xeebeedka Malindi kasoo saaray 21 meydad ah, xilli ay baarayeen wadaad dad aaminsanaa ku wacdiyay in ay gaajo u dhintaan si ay ula kulmaan ilaahooda.

Carruur ayaa kamid ahaa dadka dhintay ee lasoo saaray, waxaana booliisku ay sheegeen inay filayaan inay helaan meydad kale.

Wadaadka oo lagu magacaabo Paul Mackenzie Nthenge ayaa haatan ku jira xabsiga, isagoo sugaya in la soo taago maxkamad.

Telefishinka dowladda ee KBC ayaa ku tilmaamay inuu yahay “hogaamiye kooxeed”, waxayna sheegeen in illaa iyo hadda la aqoonsaday 58 xabaalo ama qabuuro ah.

Mr Mackenzie waa uu dafiray in uu khalad sameeyay, iyadooloo diiday in damiin lagu sii daayo.

Waxa uu ku adkaysanayaa in uu kaniisaddiisa xiray sanadkii 2019-ka.

Waxa la sheegay in uu ku wacdiyay kuwa raacsan inay gaajoodaan una dhintaan si ay Ciise ula kulmaan.

Wargeyska The Standard ee Kenya ka soo baxa ayaa sheegay in dhakhaatiirta cilmu-nafsiga ay qaadi doonaan tijaabada DNA-da ayna sameyn doonaan baaritaanno lagu ogaanayo in dhibbanayaashu ay u dhinteen gaajo iyo in kale.

Booliiska ayaa xiray Mr Mackenzie 15-kii Abriil ka dib markii ay heleen meydadka afar qof oo looga shakisan yahay in ay gaajo u dhinteen.