1 min read

Gudoomiye Madaale “Fasahaadka aan soo aragnay waa mid uusan damiirku nasiin Karin”

Gudoomiyaha gobolka Benaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale iyo mas’uuliyiin uu hor kacayo ayaa xalay fuliyay howlgal ay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ku timaantay edbin iyo dhaqan toosin, kaasoo ka dhacay goobo lagu caweeyo oo ku yaalla xeebta Liido ee degmada C/Casiis.

Muuqaallo lasoo bandhigay ayaa muujinayay Gudoomiye Madaale oo ul gacanta ku haya isla markaana canaanaya dhallinyaro lagasoo saaray goobahaasi oo la sheegay in ay isticmaalayeen muqaadaraad.

muuqaalka ayaa u muuqday mid hadal heyn badan ka dhex dhaliyay baraha bulshada.

Gudoomiyaha oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa sheegay in la xiray goobaha ay dhallinyardu ku sugnaayeen oo uu sheegay in ay ahaayeen kalaabyo, isagoo amray in aan dib dambe loo furi karin.

Gudoomiyaha ayaa yiri “ fasahaadka aan caawa soo aragnay waa mid uusan damiirka na siin Karin, dhallinyarada aan soo qabanay waxa ay isku dayeen in ay nala dagaalaan sababtoo ah wey cabsanaayeen”

Gudoomiyaha ayaa hadalkiisa sii raaciyay “dhallinyarada waan la Talinnay qaarna waan xirnay oo subaxnimada ayaan waalidiintooda ku wareejin donnaa laga billaabo xilligaan kalaabyadaas waan xirnay mana la furi karo”

Goobaha la xiray ayaa la sheegay in dhallinyaradu ay isugu imaan jireen halkaaso lagu isticmaalayay noocyada kala duwan ee maandooriyaha.

warbaahinta ayaa intaa ku dareysa in goobahaasi ay gabdhuhu ku geli jireen si bilaash ah halka wiilasha laga qaadayay lacag gaareysa 5 illaa 10 doollar.