1 min read

Yaa dhibane ah?

Qoys meel degan ayaa waxa ay lahaayeen Hal Diiq, Hal Ri iyo Hal Eey. Habeen barkii ayaa Diiqii waxa uu arkay Waraabe sii galayo Mooradii Rida.

Diiqii ayaa qeyliyay, waxaa soo toosay Eeygii oo isna Hurdayay, Eeygii ayaa qeyliyay, Qoyskii ayaa soo toosay, Waraabihii ayaa cararay.

Cidii ayaa ku faraxday in Ridoodii ay caawa khatar ka badbaaday. Farxad darteed Subixii Ciddii waxa ay u waceeyn Wadaad si uu ugu duceeyo una xijaabo moorada Rida. Wadaadkii waxaa loo qalay Diiqii.

Sax miyaa? Somaliyana Qofkii Dadka Baraarujiyo oo wacyi galiyo, khatartana uga digo, lana noqdo Bulshada Aragti wadaag. ayaa u noqdo dhibane.

Qore: Yahya Amir