2 mins read

Nasashada Jimcaha. Q-353 =Somaliya Madaxda midba kan ka dambeeyo Qob moos oo u dhigaa =

1 Caawa Aniga oo Bishii Shawaal fiirinaayo oo Guri Dabaqa ah saaran ayaa Mobile- kii ay iigu keeydsanaayeen saaxiibadeyda FB-gu iga soo dhacay.
Ar yaa dhaawac ah sidee wax idiin gaareen. (F.S: 1aad)

( Ciid Wanaagsan)

2. Oday Cabdulle ayaa Casuumay Saaxiibadii Ido Ciidaad ayuu Qalay. Faarax oo Martidii ka mid ahaa ayaa yiri: Anigu dhiig xinjiroow “Coresterol” ayaan qabaa Caddiin ma cuno. Oday Cabdulle ayaa yiri: yahuu, yaan Dhakhtar ku lug gooyn waxaa sidaan kaa dhigay waa Suunan la’aan. Inta 5 Wan leeyga qalay, Nin aan Nus kiilo Biriya cunin iridda ka bixi maayo. Faarax kiilow Biriya ayuu cunay. Yaa ka waramo Xaalkiisa? (F.S: 2& 3aad)

( Berri Qof aan Nus kiilo Biriya cuni karin yuuna ii imaan)

3. Haweeney ayaa Wiilkeedii uu Isbitaal geeyay, Dhakhtarkii ayaa ku yiri: Kansar ayaa ku hayo, Laba Bil kadibna waad dhimanee.
Markii ay Xaafadda ku soo noqotay ayeey Deriskii ku soo wareegtay iyada oo leh aan is cafino waxaa leeyga helay HIV Adis, Sanad ka badan i hayay. Wiilkeedii ayaa ku yiri: Hooyo Dhakhtarku waxa uu ku yiri: Kansar ayaa ku hayo ee maxaad Dadka u leedahay HIV ayaa la iga helay. Waxa ay ku tiri: Waxaan rabaa in Aabahaa uuna Deriska Naag ka shukaansan Geerideeyda kadib.
( Somaliya Madaxda midba kan ka dambeeyo Qob moos oo u dhigaa si shacabku uga fogaadaan)

4. Mid ah Dalaalada Hubka oo Xamar Joogo, ayaa Laga soo wacay Laascaanod, waxaa la yiri Qoryo beec ah ayaan rabnaa, ee Ugaaska Beesha la hadal. Waxa uu yiri: Ugaas Diyaar waxaan kuu hayaa “Habarta Geli” ugaaskii xanaaq. Ma ogo in Xamar laga heelo Qori la yiraa ” Habartaa Gali”. Waxa uu yiri: ha xanaaqin ugaas meel Saddax Bil Laba Ciidan ku dagaalamayeen, dhul 5 KM ah, Dagaal kama jiree yaan Maatida la barakin.

( Dagaaladda Laascaanood, maxaad ka fahamtay ?)

5. You tube-ka Maanta iyo Ceebta Berri. Jiilka naga dambeeyo haddii ay “you tube-ka” ku qoraan “Niiko Somali” waxaa u soo baxayo Hooyadood & Habar yartooda oo Niikinayo. dhalin yarada ficiis ah ayuu ka xishoo doonaa, waxa uu inkaari doonaa Hooyo iyo Habar yar. ( F.S:4 & 5aad)

( Maanta Hooyoyinku meey ka joogaan “Shaq shaq wareejiyoow Hurguf siddin wado Sariirta lee….. Ar lagama joogoo”

6. Akhlaaqda Qofka Jaahilka ah waxaa ka mid ah: in uu Hadlkaaga ka jawaabo inta uuna maqal. In uu mucaarado inta uuna fahmin. In uu Go’aan ka gaaro wax uuna aqoon. (F.S: 6aad)

( Ar Commentiga ameey soo qaraan kuwo Akhlaaqdaa leh)

Qore:Yahya Amir