1 min read

Burcad koonfur Afrikan ah oo dilay muwaadin Soomaali ah.

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa ay meelo kamid ah dalkaasi ku dileedn Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Somaalida ka Shaqeysta dalkaas, iyaga oo dilka kadib Goobta ka baxsaday.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Axmed Daahir ayaa waxaa lagu dhex-toogtay bartamaha Xaafada ay Soomaalida ka degantahay magalada Johannesburg ee Mayfair.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dilka kadib ay goobta soo gaareen ciidamo katirsan Booliska Koonfur Afrika, kuwaas oo sameeyay howlgallo balse aysan ku guuleysan inay qabtaan Kooxihii dilka geystay.

Qaar kamid ah Soomaalida ayaa walwal ka muujiyay dilalka soo noq noqday ee ka dhacaya dalka Koonfur Afrika, waxaana dilkaan uu kusoo aadaya xilli ay tahay Maalinta Koowaad ee ciidul Fitriga.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa sanad walba si joogta ah uga dhaca, dilka, dhaawaca iyo Boobka lagu haayo Soomaalida, waxaana jirin ilaa iyo hadda cid xil iska saartay waxka qabashada falalkaas.