1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay  munaasabadda Ciidul Fidriga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda Ciidul Fidriga.

Madaxweynaha dalka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay isu gurmadaan oo Walaalaha aan waxba heysan ay caawiyaan, waxaana uu Madaxweynuhu u rajeeyey in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan nabad iyo barwaaqo.

“Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan kuwa xaramka u tegay comrada ee cibaadeysanaya, kuwa guryahooda jooga ee dal iyo dibad meelkasta oo ay joogaan dhammaan inay Alle u baryaan Soomaaliya, inay Soomaaliya u soo duceeyaan Ilaaheey u baryaan in dalkan, dadkiisa iyo Diintiisaba uu Alle badbaado, cadowga ku soo duulay uu ka saaro, dadka Soomaaliyeedna quluubtooda uu Alle isu soo jeediyo”. Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.