1 min read

Ciidamada RSF oo oggolaaday xabba-joogin 72 saacadood ah.

Ciidamada RSF ee Sudan ayaa sheegay inay oggolaadeen xabbad-joojin 72 saacadood ah, taas oo la xiriirta howlaha bini’aadinimo ciidda Muslimiinta ee Ciidul Fidriga.

Magaalada caasimadda ah ee Khartoum, waxaa gelinkii hore ee Jimcihii ka dhacay qaraxyo iyo duqeymo. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay ciidanka iyo taliyaha guud ee ciidanka, General Abdel Fattah al-Burhan.

Kuma uusan xusin xabbad-joojin hadal horay loo duubay oo lasoo dhigay barta Facebook-ga ee ciidanka.

“Xabbad-joojintu waxay ku soo beegantay Ciidda barakaysan ee Ciidul Fidriga… in la furo waddooyin si loo daadgureeyo muwaadiniinta, lana siiyo fursad ay ku salaamaan qoysaskooda,” ayay RSF ku tiri hadal ay soo saartay.

Dagaalka u dhexeeya RSF iyo ciidamada Sudan ayaa qarxay Sabtidii, taasoo meesha ka saartay qorshihii caalamku taageeray ee loogu guuri lahaa dimuqraadiyad rayid ah afar sano kadib markii xukunka laga tuuray Cumar Al-Bashiir oo ahaa mudaaharaadyo waaweyn iyo laba sano ka dib afgambi militari.

Ugu yaraan 350 qof ayaa lagu dilay loolan dhanka awoodda ah oo u dhexeeyay laba hoggaamiye oo hore isbahaysi u ahaa xukuumaddii militariga ee talada dalka haysay, kuwaas oo kala ah taliyihii ciidanka Burhaan iyo hoggaamiyaha RSF Jeneraal Maxamed Xamdaan Dagalo.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa khamiistii codsaday xabbad-joojin si loogu ogolaado dadka rayidka ah inay gaaraan goobaha amniga ah.

Reuters.