2 mins read

Amnesty International oo war kasoo saartay dagaalka Laascaanood.

Warbixin ay soo aartay hay’adda u doodda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International, ayaa ku sheegtay In ka badan 100 qof ay ku dhinteen, isla markana in ka badan 600 boqol oo qofna waa ay ku dhaawacmeen, oo ay ku jiraan tobaneeyo qof oo rayid ah.

Amnesty ayaa sheegtay, in xog ururin ay sameysay ay ku ogaatay in ciidamada ammaanka eeSomaliland, ay si aan kala sooc lahayn u duqeeyeen magaalada Laascaanood.

Waxey intaa ku dartay hey’adda, inay waxyeello u geysteen ciidamada Somaliland isbitaallo, dugsiyo iyo masaajid, halka ay sidoo kale ay dil iyo dhaawac kula kaceen dad rayid ah.

Warbixinta Amnesty, ayaa sidoo kale lagu xusay in dagaalka Laascaanood ay ku barakaceen dad gaaraya tobanaan kun.

“Dhammaan dhinacyada isku haya Laascaanood waa inay joojiyaan weerarrada aan loo meel dayin, oo ay u guntadaan ilaalinta dadka rayidka ah, ayna ixtiraamaan xeerarka u degsan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada.

“Isbitaalada iyo ambalaasyada waa in aan marnaba la bartilmaameedsan. Waa in uu jiraa baaritaan madax-banaan oo lagu sameeyo dhammaan xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo sharciga bini’aadantinimada, si loo xaqiijiyo la xisaabtanka kuwa mas’uulka ka ah, iyo magdhowga dhibanayaasha,” ayuu yiri Tigere Chagutah, Aggaasimaha Gobolka ee Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Amnesty ayaa sheegtay in inta u dhaxaysa 154,000 ilaa 203,000 oo qof ay u barakaceen magaalooyinka iyo tuulooyinka deriska la ah, halka qaarkood ay u gudbeen xadka Itoobiya.

Dadkii ka qaxay dagaalka Laascaanood ayay Amnesty sheegtay in ay u baahan yihiin gargaar.

Laga soo bilaabo 6-dii Febraayo ilaa 6dii Maarso, Amnesty International, ayaa waxay wareysatay 37 qof oo ku sugan Laascaanood, oo ay ku jiraan dhibanayaal, qaraabada dhibanayaasha, markhaatiyaal, dhakhaatiir, iyo samafalayaal.

Ma jiro wax war ah oo ilaa iyo iminka ka soo baxay dhanka Somaliland oo ku aadan eedeynta Amnesty ee ah in duqeyn aan kala sooc lahayn ay Laascaanood ka gaysteen.