1 min read

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay ardaydii ugu horreysay kasoo saartay dalka Sudan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ardayda Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka Sudan ay u daadgureysay dalka Itoobiya, sida uu VOA u xaqiijiyay danjire Cabdiraxmaan Nuur Maxmed Diinaari oo ah ku-simaha xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Arrimaha dibadda.

Waxa uu sheegay in ilaa hadda 50 ka mid ah ardaydan la geeyay xuduudda Itoobniya, isla markaana ay safaaradda Soomaaliya diyaarisay gaadiidkii ardayda kale looga soo bixin lahaa dalkaas.

Danjire Diinaari ayaa intaas ku daray in maalmaha soo socda ay arday u gudbin doonaan gudaha Itoobiya, iyada oo kaddibna loo qaadi doono Soomaaliya.

Qaar ka mid ah ardayda Soomaalida ah ee sugan caasimadda Khartuum ee dalka Sudan, ayaa hore u sheegay inay dowladda Soomaaliya uga codsadeen inay ka daadgurayso dalkaas.