1 min read

Madaxda Soomaalida oo ka hadlay maalinta ciidda oo ku beegan Jimcaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in maalinta Berri ah ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Shawaal, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyey telefiishanka dawladda.

Telefiishanka dawladda oo soo xiganaya wasiirka diinta iyo awqaafta ee Soomaaliya ayaa sheegay in kadib baadigoob dheer Dhalashada Bisha Soonfur laga arkay magaalooyin kala duwan oo ka mid ah Soomaaliya.

Magaalooyinka laga arkay waxaa ka mid ah magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, Cadaado oo ka tirsan Gobolka Galguduud, Ceelwaaq oo ka tirsan gobolka Gedo iyo deegaano kale oo kamid ah Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaliyeed ugu hambalyeeyey munaasibadda ciidul Fidriga, oo ku beegan maalinta Jimcaha ee berri ah.

Sidoo kale madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo la hadlay warbaahinta ayaa guud ahaan shacabka Islaamka, gaar ahaan bulshada Somaliland ugu hambalyeeyey munaasibadda ciidal Fidriga.