1 min read

Waddooyinka Magaalada Muqdisho oo maanta xiran.

Inta badan Wadooyinka Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa maanta xiiran, waxaana aroornimadii hore ee Saaka lagu soo daadiyay Waddooyinka Ciidamada Koofi-gaduud oo ah Ciidanka ilaalada gaarka ee Madaxtooyada.

Ciidamada ayaa Gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahayba ka celinaya waddooyinka muhiimka ah ee laamiyada sida; Waddada Maka Al-mukarama, Isgoyska KM4, Soobe iyo Tarabuunka.

Dadka shaqa tagga ah ayaa lugtooda maalaya halka kuwo kalena ay xaafadaha la dhexmarayaan Gaadiidka dadweynaha oo si dhuumaaleysi ah ku shaqeynaya, xilli Shacabka Magaalada Muqdisho ay isku diyaarinayaa Bilashada Ciidda Soonfur oo ay ka dhiman tahay wax ka yar 24 saac.

Weli laamaha Ammaanka gaar ahaan Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir wax war ah kama aysan soo saarin sababta rasmiga ah ee loo xiray waddooyinka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho, xilli lagu guda jira diyaar garowga Ciida Soonfur.