1 min read

Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir oo garoonka Aadan Cadde ku xiray Saraakiil lagu eedeeyay musuq -maasuq.

Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir oo howlgal ka sameeyay garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen 5 Sargaal oo kamid ah Shabakad ballaaran oo Booliisku uga shakisan yahay in ay Musuq-maasuq iyo Wax-isdabamarin wadeen.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu yiri, “waxa uu gacanta ku dhigay 5 Sargaal oo kamid ah Shabakad ballaaran oo Booliisku uga shakisan yahay in ay Musuq-maasuq iyo Wax-isdabamarin   ka dhex waddo Xafiisyada Maaliyadda iyo lacag-qabashada guud ee  adeegyada dadweynaha ka bixiya garoonka.”

Booliska ayaa sheegay in Shabakaddan in ay “been-abuurtay Buugta iyo Xaashiyaha lacag-qabashada guud ee dowladda ayna Lunsatay dakhli dowladdu leedahay oo ka yimaada Fasaxyada Shaqada (Work permit) Buugta iyo Xaashiyahaas been abuurka ah ayay  kooxdu ku lunsanaysay kuna boobayey lacagta iyo hantida dadweynaha,” sida lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa ayaa lagu sheegay in Xafiiska xeer-illaaliyaha guud ee Qaranka uu Kiiskan la wareegay, iyada oo lagu soo sheegay in uu Xafiiska diyaarinaya  dacwad oogista eedeysanayaasha iyada oo xubnaha hadda kujira gacanta dowladda iyo kuwo ku lugta lehba ay Wajihi doonaan Caddaaladda.