April 19, 2023
Dagaal Xooggan oo galabta ka dhacay deegaanka Budbud.
Dagaal aad u xooganaa, isla markaana saacado badan qaatay ayaa Galabta waxaa uu ku dhexmaray degaanka Budbud ee Gobolka Galgaduud Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa degaanka oo dhinac ah iyo Ururka Al-Shabaab. Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerar qarax ku billaawday ku qaadeen degaanka Budbud, waxaana dagaalka labada dhinac ay isku […]
Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee bisha Ramadaan +Sawirro
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Tartanka Quraanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ayaa abaal marinno guddoonsiiyey halyeeyada kaalimaha hore ka galay tartanka sannadkan. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in tartankan Quraanka Kariimka ah, wiilsha iyo gabdhaha ka qeyb-galay, culimada hoggaamisay iyo dowladda soo qaban qaabisay ay ka tarjumeyso sida shacabka iyo […]
Kaluumeysato ajaanib ah oo laga soo xiray biyaha badda Soomaaliya.
Xafiiska xeer-Ilaaliyaha Guud ee dowladda Soomaaliya, ayaa waxa uu maxkamad horgeeyey 36 eedeysane, oo shisheeye ah. Eedeysanayaashan, ayaa lasoo qabtay iyagoo ku guda jira kaluumeysi sharci daro ah, ka gadaal markii hawl ay ka sameeyeen badda ciidanka badda Soomaaliyeed. Ciidanka badda, ayaa soo qabtay laba doomood, oo ay ugu yaraan saaran yihiin 30 tone, iyagoo […]
Shirkadda Wagner oo iska fogeysay iney ku lug leedahay dagaalka ka socda dalka Sudan.
Madaxa shirkadda calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner Group, Yevgeny Prigozhin, ayaa sheegay in shirkaddooda militariga ee gaarka loo leeyahay, aysan qeyb ka ahayn dagaalka ka socda dalka Suudaan in ka badan laba sano. “Waxaan kuu sheegi karaa hubaal buuxa, oo sax ah, maanta, ma jirto wax katirsan shirkadda milatariga ee gaarka loo leeyahay (PMC) […]
Haweeney ninkeeda ku dacwaysay inuu geyn waayey Xaramka.
Haweeney 45 jir ah oo magaceeda lagu sheegay Karima Nuhu, ayaa Talaadadii shalay ninkeeda Musa Falalu ugu gacan qaaday maxkamada shareecada Islaamka dhexdeeda ee Rigasa ee gobolka Kaduna, kadib markii ay ku eedeysay inuu diiday inuu u dhoofiyo dalka Sacuudiga. Wakaalada wararka ee Nigeria NAN, ayaa sheegtay in haweeneydan oo ku nool deegaanka Rigasa ay […]
Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Sudan oo galay maalinkii shanaad.
Khartuum — Kumanaan qof ayaa Arbacada maanta ah ka qaxay caasimadda Sudan ee Khartuum ayada oo uu maalinkii shanaad galay dagaalka u dhaxeeya militariga iyo ciidamada sida militariga u tababaran, kaasi oo ay ku dhinteen qiyaastii 200 qof, kadib markii ay burburtay xabbad-joojin 24 saac ah. Rabshadaha ayaa dillaacay Sabtidii kadib toddobaadyo ay awoodda isku […]
Sheekh C/Qaadir Jiilaani Khudbadii ugu gaabneed Taariikhda.
Khudbo gaaban iyo Cimrada sanadkan Ku dhawaad Kun Sano muddo laga joogo ayaa Sh. Cabdulqadir Jeylaani waxa uu koray Manbarka Masjidka si uu u akhriyo Khudbadii Salaadda waxa uuna yiri: ( 1. Hunguri- Cunto lagu rido Caloosha Qof baahan, ayaa ka khayr badan in aad dhisto Kun Masjid. 2. Waxa ay ka khayr badan tahay […]
Daraawiishta DG Jubbaland & Ciidanka Federaalka oo howlgallo kawada Gobolka Jubada Hoose.
Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa gaarka u tababaran ee DANAB & kuwa Daraawiishta DG Jubbaland ayaa howlgallo kawada deegaanno katirsan Gobolka Jubada Hoose ee Dowlad-Goboleedkaas. Ciidankaan ayaa dhaqdhaqaaq ciidan kawada deegaanno hoostaga Magaalada Kismaayo xarunta KMG ah ee DG Jubbaland, saraakiisha hoggaamineysa waxa ay sheegeen in ujeedkoodu yahay sidii ay u qabsan lahaayeen deegaannada […]
Beesha Caalamka oo ka welwelcsan xabbad-joojinta burburtay ee Suudaan.
Beesha Caalamka ayaa ka walaacsan xabbad-joojinta burburtay ee Suudaan waxaana durba billowday kulamo lagu cadaadinayo dhinacyada Militari ee ku dagaalamaya Magaalada Khartuum Caasimadda Dalkaas. Xabbad-joojinta ayaa loo qorsheeyay in ay dhaqangasho 6ta Maqribnimo waqtiga Suudaan (6:00 PM) balse waxaa la maqlay jug xooggan iyo rasaas toos ah oo waxaa xigay dagaal markale ka dhex qarxay […]