1 min read

Kaluumeysato ajaanib ah oo laga soo xiray biyaha badda Soomaaliya.

Xafiiska xeer-Ilaaliyaha Guud ee dowladda Soomaaliya, ayaa waxa uu maxkamad horgeeyey 36 eedeysane, oo shisheeye ah.

Eedeysanayaashan, ayaa lasoo qabtay iyagoo ku guda jira kaluumeysi sharci daro ah, ka gadaal markii hawl ay ka sameeyeen badda ciidanka badda Soomaaliyeed.

Ciidanka badda, ayaa soo qabtay laba doomood, oo ay ugu yaraan saaran yihiin 30 tone, iyagoo la wareegay doomahaasi iyo wixii saarnaaba.

Maxkamadda ayaa dhamaan eedeysanayaashii lasoo qabtay u gudbisay xabsi.