1 min read

Dagaal Xooggan oo galabta ka dhacay deegaanka Budbud.

Dagaal aad u xooganaa, isla markaana saacado badan qaatay ayaa Galabta waxaa uu ku dhexmaray degaanka Budbud ee Gobolka Galgaduud Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa degaanka oo dhinac ah iyo Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerar qarax ku billaawday ku qaadeen degaanka Budbud, waxaana dagaalka labada dhinac ay isku adeegsadeen hibka noocyadiisa kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka labada dhinac uu kas gaaray khasaaro xoogan, waxaana weli meelo kamid ah degaanka Budbud laga dareemayaa saameynta ka dhalatay dagaalka.

Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in dagaalka ay kudileen Xubno badan oo katirsan Al-Shabaab, isla markaana hadda ay howlgallo xoogan ka wadaan duleedka degaanka Budbud ee Gobolka Galgaduud.

Halka Al-Shabaab dhankooda ay sheegteen inay la wareegeen Saldhigga Ciidamada dowladda ee degaanka Budbud kana qaateen Gaadiid dagaal oo yaallay wallow aysan jirin warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale wararka aan heleyno ay sheegayaan in caawa qeyb kamid ah degaanka Budbud ay Isgaarsiita ka maqan tahay taas oo yareeyneysa in la helo xogta ku saabsan xaalladda degaanka wallow wararku ay sheegayaan inay tahay mid degan.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay howlgallo xoogan iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadeen degaanka Budbud ee gobolka Galgaduud, si ay Al-Shabaab uga saaraan degaannada ay ka joogaan guud ahaan Gobolkaas.