1 min read

Beesha Caalamka oo ka welwelcsan xabbad-joojinta burburtay ee Suudaan.

Beesha Caalamka ayaa ka walaacsan xabbad-joojinta burburtay ee Suudaan waxaana durba billowday kulamo lagu cadaadinayo dhinacyada Militari ee ku dagaalamaya Magaalada Khartuum Caasimadda Dalkaas.

Xabbad-joojinta ayaa loo qorsheeyay in ay dhaqangasho 6ta Maqribnimo waqtiga Suudaan (6:00 PM) balse waxaa la maqlay jug xooggan iyo rasaas toos ah oo waxaa xigay dagaal markale ka dhex qarxay dhinacyada is hor fadhiyay.

Wakiilada kala duwan ee Hay’adaha iyo dowladaha ee jooga Khartuum ayaa soo tebiyay in aanay sahlaneen xaaladda ka jirta Khartuum, fariimo loo diray ayaa loogu baaqay in ay ka feejignaadaan waxyeellada kasoo gaari karta rabshada dib u billawday.

Jananada Militari ee ku harsamaya in midba midka kale ka gacan sarreeyo ayaa loogu baaqay in ay dhaqangeliyaan xabbad-joojin kale oo fursad u noqota Dadka ku xayiran Gudaha Khartuum iyo in la billaabo wadahadal lagu dhexdhexaadinayo.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Suudaan ayaa aaminsan in dagaalka ka socda Khartuum aanay ka baxsaneen Gacmo shisheeye oo dano gaar ah ka dhex eeganaya iyaga oo doonaya in xabbadu kasii socota Dalkaasi.