1 min read

Ergeyga Q M ee Suudaan: Labada dhinac ee ku dagaallamaya Suudaan diyaar uma ahan dhexdhexaadin.

Iyadoo dagaalka ka socda dalka Suudaan  ee u dhaxeeya Milatariga iyo xooggaga taageerada deg-dega ah uu galay maalintii afaraad, ayaa waxaa soo baxay rajo xumo ku aaddan suurta galnimada in halkaasi ay ka hirgasho waan waan Nabadeed.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Suudaan Volker Peretz, ayaa meesha ka saaray in labada dhinac ee dagaalamaya ay doonayaan in xal laga gaaro dagaalka halkaasi ka socda.

Qoraal kooban oo uu Volker Peretz, u gudbiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayuu ku sheegay in dhinacyada ku dagaalamaya Suudaan, ay baaqyo nabadeed u soo bandhigeen inta badan Ururada gobala, gaar ahaan Urur gobaleedka IGAD, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta, balse ay muuqato in aanay diyaar u aheen wax waan waan nabadeed ah.

Sidoo kale, Peretz wuxuu warbixintiisa kooban ee golaha ammaanka ee ku saabsan xaaladda gudaha Suudaan ku sheegay in dagaalku uu weli ku kooban yahay labada dhinac ee colaaddu u dhaxayso, kuwaasi oo ku loolamaya gacan ku haynta caasimadda dalka ee Khartoum.

khasaaraha dagaalka ka soo gaaray dadka rayidka ah saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ayaa lagu sheegay in dhimashada ay gaartay 180 ruux, halka dhaawacana uu intaa ka badanyahay.