2 mins read

Soomaalida ku nool dalka Suudaan oo wajahaya xaalad adag.

Dagaal qaraar oo galay maalintii afaraad ayaa waxa uu ka soconayaa gudaha magaalada Khartuum ee caasiamadda dalka Suudaan, kaas oo saameyn xooggan ku yeeshay dadka aan u dhalan wadankaas ee u badan ardayda.

Kumanaan arday Soomaali ah oo halkaasi wax barasho u jooga ayaa wajahaya xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Qaar kamid ah ardayda oo aywarbaahinta Qaranku la xiriirtay ayaa innoo sheegay in muddo saddex maalmood ah aysan helin wax biyo iyo koronto ah, isla markaana aysan awoodin in ay kasoo baxaan halka ay rasaasta kaga gabbanayaan.

“Ilaa iyo saaka waxaan ku howlanayn in aan kasoo saarno arday hablo u badan oo ku go’doonsanaa xaafado ka mid ah Khartum oo ay dagaallo xooggan ka socdaan, illaa haddana waxaa jira arday weli ku go’doonsan xaafadaha qaar oo aan awoodi weynay in aan u tagno” ayuu yiri mid kamid ah ardaydii is xilqaamay ee u istaagay in walaaladood ay caawiyaan.

Ummdurmaan oo ah qeyb ka mid ah Caasimadda sadex geesoodka ah ee Khartoum ayaa lagu soo warramayaa in ay jiraan gabdho ku xannibay xaafadaha, kuwaas oo aan helin fursad ay kusoo baxaan.

Dhinaca kale, Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee XFS oo ka jawaabaysa duruufaha iyo cabashooyinka ka imanaya muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalka ay dagaallada culus ka socdaan ee Suudaan ayaa soo saartay foom ay isku diiwaan geliyaan iyo talooyin la xiriira bed qabkooda.

Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa ku wargalisay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Suudaan in ay taxaddar iyo feejignaan dheeraad ah muujiyaan, isla markaana ay raacaan dhammaan tilmaamaha ka soo baxa safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Suudaan.

Wasaaradda ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Sudan ku sugan ku wargalisay inay xiriir joogto la sameeyaan wasaaradda iyo safaaradda, hadii ay caawinaad uga baahdaan.

Waxa ay wasaaraddu soo jeedisay inay iska diiwaangaliyaan websiteka wasaaradda, si loo caawiyo.