1 min read

Guddoomiye Madaale oo deeq lacageed u qeybiyay qoysaska danta yar ah+Sawirro

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta ciid siiyay 314-qof oo ka koobnaa qoysaska danta yar iyo dadka baahiyaha gaarka qaba kuwaas oo ka kala socday degmooyinka gobolka Banaadir.

Deeqdan lacageed oo uu duqa magaalada Muqdisho mudane Madaale, gaarsiiyay qoysaska danta iyo dadka baahiya gaarka qaba ayaa loogu talagalay in ay uga faa’ideystaan ka qeyb qaadashada farxada Ciidul Fidriga, iyada uu qorshuhu yahay in tira laba-kun oo qof ah la gaarsiiyo deeqdaasi Lacageed.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed iyo dadka Alla S.W.T wax siiyay in ay xasuustan oo ay garab istaagaan dadka danta yar.