1 min read

Dowladda Soomaaliya oo ugu baaqday dhinacyada ku dagaalamaya Suudaan inay dagaalka joojiyaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay muujinaysaa sida ay uga walaacsan tahay isku-dhacyada hubaysan ee u dhexeeya Ciidamada iyo Xoogagga Birmadka Deg-degga ee Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Suudaan.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh dirirta in ay si deg deg ah u joojiyaan colaadda, isla markaana ay is xakameeyaan, ayna guda-galaan wadahadal lagu xalinayo khilaafka si loo dhowro amniga iyo xasiloonida siyaasadeed.