1 min read

Cidamada Xoogga Dalka oo ku dhawaad 10 khawaarijta ka tirsan ku dilay Janaale

Ciidanka xoogga dalka ayaa duleedka magaalada Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose ku laayey koox Khawaarij ah oo dooneysay inay jidka u galaan kolonyo ka tirsan ciidanka ATMIS.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay inay halkaas ku dileen ugu yaraan 10 dhagarqabe, kuwaas oo meydadkooda ay warbaahinta u soo bandhigeen.

Warbaahinta dowladda ayaa baraheeda bulshada ku soobandhigtay sawirada Al-Shabaabka lagu laayay Janaale.