1 min read

Dalalks Talyaaniga, Soomaaliya iyo Itoobiya oo Shir sadax geesood ah uga furmay magaalada Addis-Ababa.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay galab gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, oo uu uga qeyb-galayo shir.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu halkaas uga qeyb-galayo shir saddex geesood ah, oo ay yeelanayaan dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga.

“Shirkan saddex geesoodka ah ayaa hoggaamiyeyaasha saddexda dal waxay ka arrinsanayaan dib-u-habaynta iskaashiga ka dhexeeya iyo mideynta qorsheyaasha ku qotama xiriirka diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo amni, iyadoo la gorfeynayo xal u helidda caqanadaha ay wadajirka u wajahayaan dalalkan,” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada.

Waxay madaxtooyada intaas ku dartay in madaxwenaha iyo wafdigiisa ay soo bandhigi doonaan aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka xiriirka soo jireenka ah ee dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya.

Waxay sidoo kale “soo bandhigi doonaan dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, guulaha laga gaaray dib u xoreynta deegaannada iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga heer gobol.”