2 mins read

Kooxda Man City oo si raaxo leh uga badisay Bayern Munich.

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa xasuuqday Bayern Munich oo ay ku karbaashtay 3-0 lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League, waxaana uu Pep Guardiola hal-tallaabo hore ugu qaaday semi-finalka inkasta oo ay xisaab adag ku sugayso Allianz Arena oo ay toddobadka dambe tegi doonaan.

Khalkhal ku yimid difaaca Bayern Munich ayaa keenay guusha weyn ee Man City ay hoygeeda ku gaadhay, iyadoo goolasha ay qaybsadeen Rodri, Bernardo Silva iyo Erling Haaland.

Manchester City oo si xooggan ku bilaabatay ciyaarta ayaa waxa gool qurux badan hoggaanka ugu dhiibay Rodri oo kubbad uu bannanka ka toogtay ku hubsaday shabaqa goolhaye Sommer oo dedaal badan sameeyey, haddii aanu joogi lahayna goolal badan oo kale laga dhalin lahaa Bayern Munich.

Fursaddii ugu fiicnayd ee Bayern Munich ay hesho qaybta hore waxa ka khasaariyey Jamal Musiala oo drbaddii uu tuuray uu lugta u dhigay Ruben Dias oo u saaray koorne.

Erling Haaland ayaa laba kubbadood oo wanaagsan khasaariyey halka Sommer uu si dhib badan ku badbaadiyey kubbad uu Bernardo Silva ku laaday iyadoo baas uu dhinaca ka keenay Kevin De Bruyne ay difaacu si dhib badan iskaga saareen.

Qalad xun oo uu sameeyey Upamecano ayaa dilay Bayern Munich daqiiqaddii 70aad, waxaana kubbad uu diiday inuu saaxiibbadii u dhiibo lagaga boobay meel halis ah, taas oo uu gool u beddelay Bernardo Silva oo madax ku qabtay.

Manchester City oo qaybta dambe muujisay inay xooggan tahay, isla markaana weerarkeeda halista ah uu dhibaato badan ku hayay difaaca Bayern Munich ee khalkhalsanaa ayaa waxa dhaawac kaga baxay Kevin de Bruyne oo kuraanta wax ka noqday, waxana booskiisa yimid Julian Alvarez oo ahaa beddelka kaliya ee uu sameeyey Pep Guardiola.

Dhamaadka ciyaarta oo ay 15 daqiiqadood ka hadhsan tahay ayay Manchester City sii dheeraysatay hoggaanka ciyaarta, waxaana dhaliyey Erling Haaland oo ka dhigay 3-0.

Bayern Munich ayaa dhamaadkii waxa gool ka diiday goolhaye Ederson oo kubbad uu isku leexiyey Dias koorne u saaray, halka Leroy Sane iyo Gnabry ay iyaguna lumiyeen fursadahoodii.

Manchester City ayaa Arbacada toddobaadka dambe waxay tegi doonaa magaalada Munich oo ay lugta labaad ee wareegga siddeedda marti ugu noqon doonto Bayern Munich iyadoo haysata faa’iido saddex gool oo nadiif ah oo ay kusii shaqaysatay garoonkeeda.