1 min read

Diginin laga soo saaray fatahaado ka dhalan kara webiyada Shabeelle iyo Jubba.

Hay’adda maaraynta masiibooyinka Soomaaliya, ayaa diginin ka bixisay fatahaado ka dhalan kara webiyada Shabeelle iyo Jubba, kuwaas oo la sheegayo inuu heerkooda biyaha uu kordhay.

Warsaxaaafadeed hay’addu ay soo saartay ayay ku sheegtay in roobab lixaad leh oo ka da’ay buuralayda dalka Itoobiya ay sababeen in biyuhu sare u kaceen.

Hay’addu waxay sheegtay in saacad kaste la filan karo in ay webiyadu fahataad ka sameeyaan degmooyinka ku xeeran ee Soomaaliya.

Magaalooyinka Baladweyne iyo Jowhar ayaa kamid ah meelaha digniinta lagasoo saaray, iyadoo heerka kor u kaca biyaha webiga Shabeelle uu gaaray 2.5cm, taasoo keeni karta in fatahaad uu sameeyo xilli walba.

Hay’addu waxay dadka deggen toggaga iyo qararka webiyada uga digtay inay ka feejignaadaan khatarta ka dhalan karta fatahaada webiga, waxayna soo jeedisay in kor loo qaado diyaar garowga bulshada, si loo yareeyo saamaynta ay fatahaadu ku yeelan karto.