1 min read

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha oo gaaray dalka Serbia.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane  Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaaladda Belgrade ee Caasimadda Dalka Serbia, ka dib markii uu Casuumaad rasmi ah ka helay dhig-giisa Serbia Mudane Bratislav Gasić.

Safarkan shaqo ayuu Wasiir Doodishe muddo 3-maalin ku joogi doonaa Serbia ,isaga oo kulamo kala duwan la qaadan doona mas’uuliyiin ka tirsan Jamhuuriyadda Serbia oo uu ugu horeeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Serbia Mudane Bratislav Gasić.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa sidoo kale Tababar u soo xiri doona Ciidamo ka tirsan ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya, kuwaas oo Afar-bil Tababar ku qaatay Dalka Serbia.

Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Serbia waxaa ka dhexeeya xiriir Saaxiibtinimo oo ku dhisan Danaha labada dal.