1 min read

Wasiir Fiqi oo soo dhaweeyay Howlagallada amniga lagu xaqiijinayo ee ka socda Caasimadda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Fedaraalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo Bogaadiyay Howlgallada Wax ku-oolka ah ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay ku badbaadinayaan nafta iyo maalka umadda Soomaaliyeed.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo lahadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir ay maalmihii lasoo dhaafay qaadeen tallaabooyin ay mahadiyeeb bulshada Soomaaliyeed, iyagoo ka hortagay fal dambiyeedyo qatar ku ah ammaanka Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Waan ku Bogaadinayaa shaqada Wanaagsan iyo adeegga ay umadda Soomaaliyeed u hayaan ciidamada Booliska G. Banaadir islamarkaana ay ku badbaadinayaan nafta iyo maalka umadda Soomaaliyeed. Ayuu yiri Wasiir Ahmed Moallim Fiqi.

Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir ayaa ku guuleystay qorshaha xasilinta amniga Caasimadda kaas oo si weyn looga dareemay magaalada Muqdisho, iyadoo laga hortay kooxo kala duwan oo burcad ah oo falal amniga lid ku ah ka geysanayay magaalada Muqdisho.