1 min read

Guddoomiyaha G/Banaadir oo daah-furay Tartanka Kubadda Koleyga Bisha Ramadaan ee Degmada Shibis.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda iyo Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta ayaa caawa daah-furay Tartanka Kubadda Koleyga Bisha Ramadaan ee Degmada Shibis.

Tartankaan oo ay ka qeyb-qaadanayaan kooxo dhalinyaro ah oo ka dhisan Degmada Shibis ayaa waxaa furitaanka goobjoog ka ahaa, Guddoomiyaha Degmada Shibis, Guddoomiyaha Xariirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga, Bahda Cayaaraha iyo Taageerayaal fara badan, iyadoona tartankaan oo qeyb ka ah isdhexgalka dhalinyarada iyo Bulshada Degmada Shibis ayaa waxa uu socon doonnaa inta ka dhiman Bisha Barakeysan ee Ramadaan.