2 mins read

Fadhi ku dirirkii Odayaasha. (Albergo Banana di Oro)=Faallo= )

Odayaal kala ah: Reer Marko, Gaalkacyo, Hargesa iyo Mogadishu ayaa ku shaahayay Fladhi ku dirir.

Odaygii Marko ayaa odaygii Reer Gaalkacyo ku yiri: weligaa Ma seexatay Hotelka Mooskii Dahabka ahaa (Albergo Banana di Oro)

Ogaygii Gaalkacyo: Adderow ma Moos dahab ah ayaa jiro?
Odaygii Reer Marko: Ma seexatay maxaan u leeyahay Meel ay ku tiilba ma yaqaane.( F.S: 1 & 2aad).
War waa ka hor intaan Somaliya Nin Qori wato uuna wax xakumin. Laga soo Bilaabo 1969 illaa 2023, Qof Qoray wato lee na hor taagnaa.

Odaygii Reer Gaalkacyo: war maad i tiraahdid waa baragii Anaga iyo Dowladuba aan shacab wada aheyn. Isbitaalka Gaalkacyo ayaa Adan Cade igu soo booqday, oo inan yar ayaa Ubax ku soo dhaweeysay.

Odaygii Reer marko: war ma Gaalkacyaa Ubax ka baxaa?
Odaygii Reer Gaalkacyo war bal fiiri war moogahaan, Arag cadeeynta ( F.S: 3 & 4aad)

Odaygii Hargeesa: Dee wakhtigaa i dheh, waa Berigii aan Jidbeeysneeyn. Garoonka Hargeeysa ilaa Bartama Magaalada ayaanu safneeyn, Deetana Xarunta Magaalada ayuu nagula hadalay Md. Adan Cade. ( F.S: 5 & 6aad)

Odaygii Reer Mogadishu: waa barigii Dhowlada hoose ee Xamar aan ka qaatay warqadda Aqoosiga oo aan lahaa ( Foolyo Familyada No. 110).
Odaygii Reer Hargeesa: oo taasina maxey aheyd?
Odaygii Reer Mogdishu: waa berigii Somalida laga Diiwaan galinayay Xaruntii Hore ee Dowladda Hoose, ee la burburiyay. kadibna Hotel Curubo laga dhisay. Qofba halkii uu ku dhashay ayaa loogu qori jiray, Somaliduna kalama soocneyn Runta ayeeyna shegi jireen. Hadda Somali oo dhan waxaa u qoran Xamar in ay ku dhalatay weliba 1da January ay dhalatay, si eyna u hilmaamin wakhtigii ay dhalatay. ( F.S: 7 & 8aad)

Islaantii Shaaha iibineysay ayaa tiri: waa Markii Somali oo dhami ay is wada jecleyd ee Faataxada noo mara in aan walaaloowno oo aan is wada Jeclaano.

Faatxa, waa la wada duceeystay iyada oo isku uur la wada yahay. Adiguna Aamin dheh in Alla u wada Aqbalo.

Qore: Yahya Amir