1 min read

Ciyaal weerada oo ka balan qaaday Gudoomiyaha Degmada Kaaraan inay dhibaatada joojin doonaan.

Abshir Maxamed Maxamuud (Abshir Kaaraan) oo ah Gudoomiyaha Degmada Kaaraan ayaa shalay kulan la yeeshay Dhalinyrada Ciyaal weerada loo yaqaan, iyadoo gudoomiyaha marka hore u soo jeediyay in joojiyaan colaada dagaalada ay isaga soo horjeedaan oo ay koox koox isku dilayaan.

“Waa inaad ogaatiin in lagu jiro Bil Ramadaan, waxaa loo baahan yahay inaad joojisaan dhibaatada” ayuu yiri Gudoomiyaha Kaaraan.

Kulankaan oo ka dhacay garoonka Qoob Dooro ee degmada Kaaraan, ayuu u balan aaday gudoomiyaha degmada inuu diyaar ula yahay dhalinyarada ruuxii doonaya inuu iskuul rabo in la geynayo, kii Jaamacad gaarayna la siin doono minxo Jaamacadeed oo lacag la’aan ah, qofkii donayo ciidan diyaar loola yahay, kii Isborti rabana loo qabanayo Tartan Sborti lana siinayo qalab isboorti.

Ugu dambayntii ciyaal Weeradii ayaa ogolaatay inay joojinaayaan Fowdada iyo colaada dhexdooda ah, waxayna intooda badan soo jeediyeen in Koob loo dhigo koox kooxna isku saari doonaan, taasi oo ka balan qaaday Gudoomiyaha Isbortiga Degmda Kaaraan.

Dhanka kale Gudoomiyaha Degmada Kaaraan ayaa qaaday talaabo aan horay loo qaadin si loo yareeyo dhibaatada iyo is dilka mar walba ka dhici jiray xaafdaha ay degmda Kaaraan ka kooban tahay, wuxuun ugu dambayn uu sheegay in hada kadib lala xisaabtami doono ruux kasta oo dembi gaysta.