2 mins read

Dad tiro badan oo lagu laayey dalka Burkina Faso.

Ilaa 44 qof ayaa la dilay, ka dib labo weerar oo lagu qaaday waqooyiga dalka Burkina Faso Khamiistii, sida ay saraakiishu sheegeen.

Labada weerar ayaa ka dhacay tuulooyinka Kourakou iyo Tondobi ee gobolka Saaxil, una dhow xadka dalka Niger.

Ma jirto koox qiratay inay fulisay weerarradan, balse waxaa inta badan ka dhaca aaggaas dagaallada jihaad-doonka ah, waxayna mas’uuliyiintu ku eedeeyeen “kooxaha argagixisada hubeysan”.

Kooxaha xagjirka ah ee xiriirka la leh Al-Qaacida iyo Daacish (IS), ayaa la og yahay inay ka howlgalaan gobolka.

Barasaabka gobolka Saaxil, Rodolphe Sorgho, ayaa sheegay in dhagar-qabayaashii ka dambeeyay “Weerarkii waxashnimada ahaa” “laga saaray goobta”.

Dad kale oo tuulada ku noolaa, ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen weerarradaas, balse ma cadda inta ay la egtahay. Mr Sorgho, ayaa sheegay in “tallaabooyin lagu xasilinayo aagga ay socdaan”.

Mid ka mid ah dadka deegaanka, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in “argagixiso aad u tiro badan ay tuulada soo galeen” wuxuuna sheegay in xalay oo dhan uu maqlayay rasaas la isweydaarsanayay.

“Subaxnimadii Jimcaha ayay ahayd markii aan aragnay meydad gaaraya dhawr iyo toban,” ayuu yiri.

Wakaalada wararka ee AFP, ayaa sidoo kale sheegtay in dilkan uu ahaa mid aargudasho ah, oo lagu dilay labo mujaahid oo maalmo ka hor isku dayay inay dhacaan xoolo.

Dilka ayaa ka dhacay habeenimadii Khamiista meel u dhow tuulada Seytenga, halkaasoo tobanaan qof lagu dilay bishii June ee la soo dhaafay.

Burkina Faso iyo kuwa deriska la ah, ayaa wajahaya kacdoonno jihaad doon ah oo daba-dheeraaday, tan iyo sannadkii 2013-kii.

Kumanaan kun oo qof ayaa lagu dilay mashaqadaas, in ka badan laba milyanna waa ay ku barakaceen. Rabshadahaasi ayaa waxay horseedeen qalalaase siyaasadeed oo dalka ka jira.

Milateriga – oo uu hoggaaminayo Lt Col Paul-Henri Damiba – ayaa la wareegay awoodda dalkaas bishii Janaayo ee sannadkii hore, iyagoo ballan-qaaday inay soo afjari doonaan rabshadaha.

Laakiin wuu ku guul daraystay inuu joojiyo weerarada, waxaana xilka loogga qaaday afgambi labaad, oo uu sameeyay Capt Ibrahim Traoré bishii Sebtembar ee xigtay.

Capt Traoré ayaa waxa uu ballan qaaday inuu dib uga guulaysan doono duulka ama qolyahay jihaad doonka ah, iyo in uu qabto doorashooyin dimuqraadi ah bisha July sanadka 2024-ka.

Madaxiisa cusub ee militariga, Col Celestin Simpore, ayaa horaantii isbuucaan wacad ku maray inuu kordhin doono “weerarada xoogan” oo loogga hortagayo mujaahidiinta.

Balse Capt Traoré, ayaa sidoo kale codsaday in ciidamada Faransiiska ay isaga baxaan dalkaasi, waxaana si weyn loo hadal hayaa in laga yaabo inuu xiriir wanaagsan la yeesho calooshood u shaqeystayaasha Ruushka.