1 min read

Dooni waday Tahriibayaal oo ku degtay dalka Tunisia.

27 qof ayaa dhintay ama la la’yahay, ka dib markii laba doonyood oo muhaajiriin ah ay ku dagtay xeebaha bari ee dalka Tunisia.

Doontii ugu horreysay, ayaa Jimcihii ka amba baxday dalka Tunisia, waxayna ku sii jeedday dalka Talyaaniga, iyadoo 37 ay la socdeen.

20 qof ayaa la la’yahay halka 17 la badbaadiyay, afhayeen u hadlay maxkamadda magaalada Sfax, ayaa sidaasi sheegtay.

Sabtidii, afar meyd ah, ayaa laga soo saaray xeebta, kadib markii doon labaad ay degtay.

36 qof oo la socday doonta labaad ayaa la soo badbaadiyay, saddexna waa la la’yahay, sida uu sheegay afhayeenku.

Af-hayeenka, Faouzi Masmoudi, ayaa sheegay in doonyaha ay ka samaysan yihiin baco adag.

Tan iyo bilowgii bishii Maarso, ayaa waxaa jiray ugu yaraan 7 markab oo kuwan la mid ah oo ku degay Tunisia, iyadoo ku dhawaad ​​100 qof ay dhinteen ama la la’yahay.

Qaybo ka mid ah xeebaha Tunisia, ayaa kaliya 150 kiiloomitir u jira Lampedusa, oo ah jasiirad Talyaani ah, oo inta badan loo isticmaalo meel loogga gudbo dhul-weynaha Talyaaniga.

U dhawaanshaha ay u dhowdahay Talyaaniga, ayaa ka dhigtay in dalka Tunisia inay ka dul marto dhanka tahriibka dalka Liibiya.

Dalkani, ayaa ahaa meesha ugu weyn ee ay ka baxaan dadka ka soo cararaya colaadaha iyo faqriga ba’an ee Bariga Dhexe iyo Afrika, kuwaasoo nolol dhaanta dalalkooda ka baadi gooba Yurub.