1 min read

DFS oo sheegtay inay burburisay Saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanno hoostaga G,Hiiraan.. 

Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanno hoostaga Degmada Buulo burte ee Gobolka Hiiraan DG Hir-Shabeelle.

Deegaannada kala ah Dhagaxyaale, Kiligubadle, Xarar & Boocaaale ayay Ciidamadu ka sameeyeen howlgallo ay ku burburiyeen Saldhigyo ‘AS’ ay ka sameysteen deegaannadaas sida uu sheegay maamulka Degmada Buulo Burte.

May be an image of 5 peopleHowlgalka waxaa ciidamada ku wehliyay Guddoomiyaha Degmada Buulo Burte Xasan Maxamed Cabdi, Xildhibaan Cabdiladiif Maxamuud, Korneyl Cabdinaasir Sheekh Cali, saraakiil katirsan Ciidanka Dowladda & hoggaanka Macawiisleyda.

May be an image of 2 peopleDowladda Federaalka ayaa soo bandhigtay Sawirrada goobaha howlgallada ay ka sameysay oo ay kasoo muuqdeen goobo kala duwan oo ay ciidamadu burburiyeen kuna sheegeen in ay saldhig u ahaayeen ‘AS’ waa sida ay hadalka u dhigeen.

May be an image of 7 peopleGobolka Hiiraan waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo howlgallo ay hormuud u yihiin mas’uuliyiin Gobolka & kuwa Degmooyinka, saraakiisha howlgallada hoggaaminaya ayaa sheegay in wajiga labaad ee howlgalka uu billawday.

May be an image of silo