1 min read

Madaxa ATMIS: “Waxaa la joogaa xilligii Soomaaliya laga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka ee saaran..”

Mogadishu — Madaxa hawlgalka militari ee ATMIS, ahna Ergeyga Gaarka ee Midowga Africa ee Soomaliya Ambassador Mohamed El-Amine Souef oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay si wadajir ay qabteen isaga iyo wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa sheegay in saaxiibada caalamku garawsaday in la joogo xilligii cunaqabteynta hubka laga qaadi lahaa Soomaaliya.

“Waxaan dhawaan fursad u helay in aan hadal ka jeediyo shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee xaaladda Soomaaliya, waxaana aan iftiimiyay in xilligan xasaasiga ah, saaxiibada caalamka oo ay ku jirto Qaramada Midoobay ay tahay inay taageero dheeraad ah siiyaan Ciidanka Xoogga Soomaaliya” ayuu yiri danjire Mohamed El-Amine Souef.

“Waxaan ku boorrinay saaxiibada caalamka inay tixgeliyaan arrintan oo ay taageero dheeraad ah siiyaan ciidamada Soomaaliya” ayuu raaciyay.

Waxa u sheegay inuu khudbaddiisa ku sheegay baahida loo qabo in la qaado cunaqabataynta hubka iyo rasaasta ee saaran Soomaaliya. “Waxaan ogahay in dalkan wax badan laga qabtay” ayuu yiri Ambassador Mohamed El-Amine Souef.

“Waxaan ka qayb galay laba toddobaad kahor siminaar ay soo qabanqaabiyeen La-taliyaha Amniga Qaranka iyo Kooxdiisa, dhammaan saaxiibada caalamkuna waxay garwaaqsadeen in wax badan la qabtay, lana gaaray xilligii xayiraadda iyo cunaqabteynta hubkaga laga qaadi lahaa Soomaaliya” ayuu sheegay Mohamed El-Amine Souef.

Waxa uu sheegay in ka qaadista cunaqabteynta hubka ee Soomaaliyaa ay u oggolaaneyso ciidamada Soomaaliya inay ATMIS kala wareegaan amniga dalka marka ay ka baxayaan Soomaaliya dhammaadka sannadka soo socda ee 2024.