1 min read

Hogaanka Golaha Ammaanka oo uu buuq ka dhashay,kadib markii Ruushka uu la wareegay hogaaminta Golahaas.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada – oo aan ahayn hay’adda Qaramada Midoobay ah – ayaa soo saartay amarka lagu soo xirayo Vladimir Putin bishii hore.

Inkastoo Ukraine ay cabasho ka soo yeertay, Mareykanka ayaa sheegay in uusan ka hor istaagi karin Ruushka – oo ah xubin golaha joogtada ah – inuu qabto xilka madaxtinimada.

Xubnaha kale ee joogtada ah ee golaha, ayaa waxey kala yihiin UK, US, France, iyo China.

Kaalinta xubnaha joogtada, ayaa inta badan wuxuu yahay habraac, laakiin danjiraha Moscow ee Qaramada Midoobay, Vasily Nebenzia, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Russia Tass, inuu qorsheynayo inuu kormeero dhowr doodood oo ay ku jirto mid ku saabsan xakameynta hubka.

Waxa uu sheegay in uu ka hadli doono “Nidaamka cusub ee adduunka” kaasoo, uu yiri waa “in lagu beddelo kan aan la isku hallayn ee haatan jira”.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine, Dmytro Kuleba, ayaa ku tilmaamay madaxtooyada Ruushka “tii ugu xumayd ee abid soo mara maalinta nacasnimada ee Abriil” iyo “xusuusin adag oo ah in ay wax ka khaldan yihiin qaabka uu u shaqeeyo amniga caalamiga ah”.

Lataliyaha madaxweynaha Ukraine, Mykhaylo Podolyak, ayaa sheegay in tallaabadani ay tahay “ku xadgudub dhanka sharciga caalamiga ah.

Madaxweyne Volodymyr Zelensky, ayaa sannadkii hore ka dalbaday in Golaha Ammaanka uu dib u habeyn ku sameeyo ama “gabi ahaan la kala diro”, isagoo ku eedeeyay inuu ku guul dareystay inuu qaado tallaabo ku filan oo loogga hortagayo duullaanka Ruushka.

Waxa uu sidoo kale dalbaday in Ruushka laga saaro xubinimada golaha.